Somali News
    Hees  

Axmed Inji: " Waxaa naga go'an inaan gaarno goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.."

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Axmed Inji: " Waxaa naga go'an inaan gaarno goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.."

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Gobalka Hiraan Axmed Cabdala Inji ayaa shaaca ka qaaday inay maamulkooda ka go’an tahay inay gaaraan deeganada Shabaabku uu kaga sugan yahay Gobalka Hiiraan, wuxuuna sheegay inay doonayaan inay ka saaraan gobolka oo idil.

Axmed Inji waxa uu sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal oo ay ku doonayaan i9nay gobolka kaga saaraan Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobalka Hiiraan inay kaashanaayaan si deegaanada ay kaga sugan yihiin Al-shabaab gobolka looga saaro.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Hiiraan wuxuu sidoo kale sharaxay qorshaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM ay ka caawin doonaan dhismaha Garoonka Beladweyne,dhisida Ciidamada Nabadsugida,kuwa Milateriga iyo ka gacansiinta la dagaalanka Kooxda Shabaab.

Dhanka kale Gobalka Hiiraan deegaano ka tirsan ayaa weli waxaa ku sugan Kooxda Al-Shabaab oo Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM dagaal kala soo horjeeda, waxaana gobolkaasi qeybo ka mid ah ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagu SWhabaabka ka ilaalinaayay inay dib u qabsadaan Magaalada Baladweyne tan iyo intii aysan soo gelin gobolkaasi Ciidamada ka socda AMISOM oo Jabuutiyaan ah.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)