|
Kulan looga hadlayay dhibaatada loo geysto haweenka oo lagu qabtay magaalada Marka
Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan looga hadlayay dhibaatada loo geysto haweenka oo lagu qabtay magaalada Marka
Kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Sh/hoose, ururrada haweenka gobolka iyo bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa manta ka dhacay xarunta gobolka.
Madaxda Dowladda ee iyagu ka soo qeyb galay kulanka haweenka degmada Marka waxaa ka mid ahaa K/X Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka difaaca Dowladda Soomaaliya Md. Xuseen Carab Ciise, Taliyaha ciidamada C/qaadir Sheekh Cali Diini, Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi, Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose Jan. Michel Odongo, Taliyaha AMISOM ee deg. Marka Col. Charles iyo xubno kale.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi oo ugu horeyntii halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka haweenka magaalada Marka ku dhex maray, taasi oo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha ay ka dowlad ahaan iyagu si weyn u raadinayeen.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Guddoomiyaha dhibaatooyinkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan magaalada Marka, isagoona tilmaamay in magaalada Marka ay tahay magaalada ugu xadaaradda fog isla markaana ilbaxnimada dadka Soomaaliyeed ay hoggaanka u heyso.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidi) ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed oo markii hore lagu bixin jiray nood iyo xoolaba ay kooxaha khawaarijta ah si xoog ah ku wataan iyadoo waliba gacanta loo gelinayo nin ajnabi ah oo aan dalka u dhalan.
“Waxaan u mahad celinayaa hay’adda CCD oo soo abaabushay kulankaan ay haweenka degmada Marka uga tashanayaan aayahooda iyo sidii ay ugu midoobi lahaayeen inaysan mar kale ku soo laaban gobolka Sh/hoose kooxihii dhibaatada ku hayay shanta sano” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Maxamed Siidi.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose Jan. Michel Odonga ayaa isna halkaasi ka jeediyay khudbad kooban, wuxuuna kula dardaarmay haweenka degmada Marka inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoo ku ammaanay dadka ku dhaqan magaalada Marka inay yihiin dad wanaagsan oo nabadda jecel.
Md. Xuseen Carab Ciise K/X Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in haweenka Sooomaaliyeed ay yihiin kuwa ay ku dhacday dhibaatada ugu badan ee dalka ka dhacday, taasi oo uu sheegay in isaga qudhiisa ay ku khasabtay inuu Dowladda ka mid noqdo, kaddib markii sida uu sheegay ajaanibta Al-Shabaab ka barbar dagaalameysa ay tacadiyo u geysteen haweenka Soomaaliyeed.
Kulanka magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ka dhacay oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan boqol haween ah oo ka kala socday ururrada haweenka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Sh/hoose oo ah kulankii ugu horeeyay ee Hay’adda CCD ku qabato magaalada Marka ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku aadan sidii loo cirib tiri lahaa dhaqamadii kooxda Al-Shabaab ay ku reebtay degaanka iyo sidii haweenka magaalada gacan uga geysan lahaayeen.
Gen. Michel Odongo Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose ayaa khudbad gaaban ka jeediyay munaasabadda kulankaasi, wuxuuna caddeeyay in dadka magaaladaasi ay yihiin dad wanaagsan oo nabadda jecel, sidaas darted ayuu ku booriyay in haweenku kaalin mug leh ka qaataan nabad ku soo dabaalida iyo la shaqeynta ciidamada Dowladda iyo AMISOM.
Taliyaha ciidamada Dowladda Jan. C/qaadir Sh. Cali Diini oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed mar kastaba ay yihiin hormuudka bulshada, wuxuuna soo qaatay hagalamadii kala duwana ee ay soo mareen ilaa xilligii xorriyadda dalka ilaa xilligii uu dalka ka dhacay dagaalka sokeeye inay ahaayeen kuwii u istaagay badbaadinta bulshada.
“Haweenka degmada Marka iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay soo celiyaan halgankoodii badbaadada shacabka ku dhisnaa si ay nabad u helaan, arrintaasina Dowladdu waxay la garab joogtaa wixii taageero ah oo ay u baahdaan” ayuu yiri Taliye C/qaadir Sh. Cali Diini.
Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi khudbado kala duwan ka soo jeediyay Guddoomiyaha haweenka hay’adda CCD Sahra Maxamuud Amiin, Xoghayaha ururka haweenka Qaranka Faadumo Aadan Cosoble, Guddoomiye K/Xigeenada Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo degmada Marka.
Madaxdaan ayaa hoosta ka xariiqay isla markaana uga mahad celiyay Hay’adda CCD kulankaan ay isugu yimaadeen haweenka degmada Marka markii ugu horeysay tan iyo markii kooxda Al-Shabaab halkaasi laga saaray, iyagoo qaarkood ugu baaqay madaxda CCD inay sii kordhiyaan wadahadalada bulshada ay uga tashanayaan mustaqbalkooda.















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|