Somali News
    Hees  

Bulshada ku dhaqan Degmada Marka iyo wafuud ay horkacayaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada XDS oo Shirar ku leh Magalaadaasi

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Bulshada ku dhaqan Degmada Marka iyo wafuud ay horkacayaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada XDS oo Shirar ku leh Magalaadaasi.

Wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Sh/hoose ee degmada Marka oo 90-km u jirta Caamida Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wafuud ka socota Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Gashandhigga iyo taliyaha ciidamada XDS oo ku sugan magaalada Marka ay halkaasi kulamo kula leeyihiin bulshada ku nool Degmada Marka.

Bulshada ku dhaqan degmada Marka iyo Wafuuda ka socota Dowladda Soomaaliya ayaa kulamadooda weli socdaan, iyadoo bulshada Marka sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta ciidamada iyo shacabka iyo haddi ay jiraan wax dhibaato ah oo ay u geysteen ciidamada wixii ka dambeeyay markii Al-Shabaab magaaladaasi laga xureeyay.

Waxaa kulamadaasi dhexmaraya bulshadaMagaalada Marka iyo Wafdiga Dowladda Soomaaliya iyana goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kuwa degmada Marka, waana safarkii ugu horreeysay ee mas’uuliyiintaasi ku tagaan Magalada Marka tan iyo markii ciidamadu la wareegeen gobolkaasi.

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sidoo kale waxay kormeero ku kala tageen ciidamada dowladda Soomaaliya kuwooda ku sugan difaacyada hore iyo dhamaan deegaannadii laga xoreeyay malleeshyaadka Shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)