Somali News
    Hees  

Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Dekedda magaalada Kismaayo oo dib u billowday

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Dekedda magaalada Kismaayo oo dib u billowday

Waxaa durba ka bilowday Dekadda Magaalada Kismaayo howlihii ganacsiga, waxaana dekadaasi hadda ku xiran Dooni u raran ganacsato Soomaali ah oo dekadaasi soo gaartay shalay.
Doonidaan ganacsi ayaa ah doonidii ugu horreysay ee u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo xirata Dekedda Magaaladaasi, tan iyo markii magaaladaasi laga saaray malleeshiyaadkii Al-Shabaab ee mudada dheer halkaasi ka talinaayay.

Waxaa la soo sheegayaa in doonidan ay sido xamuul bagaash iyo waxyaabo kale isugu jira, kuwaasi oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay doonidaasi ku soo xiratay Dekada Kismaayo oo iyagu xilligan dareemaya xorriyad weyn kadib markii laga saaray maleeshiyaadkii Shabaab ee halkaasi ka ariminaayay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi ayaa iyagu diiday in doonidaasi markii laga dejiyo rarka ay wado in lagu raro dhuxul, waxayna saraakiishu sheegeen inay fulinaayaan amarkii dowladdu ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)