Somali News
    Hees  

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dagaal xalay ka dhacay deg. Cusub ee kaxdda.ee magaladda Muqdisho

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dagaal xalay ka dhacay deg. Cusub ee kaxdda.ee magaladda Muqdisho.

Kadib markii maalntii shalay ahayd magaladda Muqdisho loogagag dhgawaaqay degmo cusub oo lagu magacaabo degmadda kaxda oo noqoneysa degmadii 17aad eeuu yeesho gobolka banaadir ayaa waxaa habiinkii xalay ahaa dagaal ku soo qaaday kooxdda al shabaab kaas oo aanan la garaneynin khasaarihii uu geestay.

Dagaalkaan dhacay xalay saqdii dhexe ee ay soo qaaden koxdda al shabaab ayaa waxaa ka hadlay maamulka degmadaasi iyo wixii halkaasi ka dhacay Gudoomiyaha degmadaasi kaxdda C/Wali Yuusuf Cumar ayaa la hadlay qaar ka mid ah warbahinta Muqdisho waxaa uu sheegay in dagaalka xalay uu ahaa mid ay soo qaadeen kooxdda Al-Shabaab.waxaana uu caraabaabay in Dagaalkaasi laga soo qaaday deegaanka ku yalla duleedka Degmada kaxdda, waxaana uu sheegay inay soo qaadeen kooxdda Al-shabaab.ujeedadooduna ay aheeyd inay carqaladeeyaan nabadgalayadda degmadda kana geystaan arbushaad. 

Guddoomiyaha Degmada Kaxda C/Walli Yuusuf Cumar waxaa kaloo uu sheegay in xaalada Degmada ay haatan tahay mid wanaagsan oo aysana jirin wax dhib ah kadib markii lakala eryay kooxdii weerarka soo qaaday islamarkaana uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaasi.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay ka warheleen halka ay kooxdda Al-Shabaab weerarada kasoo qaadaan ,wuxuuna sheegay inay gaari doonaan.saacadaha so socda soona qabqabandoonaan Degmada Kaxda waa Degmadii 17 ee kusoo biirta Degmooyinka Gobalka Banaadir waxaana in muddo ah ka dhacayay weeraro ay soo qaadaan maliihiyaadka kooxdda Al-Shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)