|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay dhanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay dhanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto degmada Baardheere kadib markii ciidamda huwanta ee isbaheysanaya ay u dhaqaaqeen degmadaas.
Wararka ayaa sheegay in ciidamada isgarabsanaya ee isugu jira Soomaalida iyo Kenyaanka ay goor dhaweyd ka soo dhaqaaqeen deegaanka Faxfax-dhuun, iyagoo ku sii jeeda degmada Baardheere oo ay ka arimiyaan kooxda Al-shabaab.
Xaalada degmada Baardheere ayaa ah mid aad u kacsan kadib markii laga warhelay in ciidamada huwanta ay ku soo wajahaniyihiin degmada si Al-shabaab ay uga saraan.
Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ee ku sugan degmada Baardheere ayaa iyana wada dhaqdhaqaaq xooggan oo ay iskaga difaacayaab xoogga ku soo wajahan.
Kooxda Al-shabaab ee Baardheere ayaa la tilmaamay in gawaari ay ku soo xireen cod baahiyaal ay dadka ugu sheegayeen inay hubka qaataan si ay uga hortagaan ciidamada huwanta ah ee ku soo wajahan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|