|
Askar ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya oo dhawaacyo ka soo gaareen Bam lagu soo tuuray
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Askar ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya oo dhawaacyo ka soo gaareen Bam lagu soo tuuray.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magalada Mombasa ee wadanka Kenya askar ka tirsan ciidamada booliska dalkaasi ayaa dhaawacyo soo gaaren kadib markii rag hubeysan oo la sheegay inay Al-Shabab ka tirsan yihiin ay Bam ku tuureen goob ciidamadaasi ku sugnaayeen.
Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa u sheegay warbaahinta in 10 Askari ay ku dhaawacantay weerarkaasi bambkaasi loo adeegsaday oo dhacay xilli ay ciidamadu hawl galo wadeen.
Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-Shabab isla markaana ay toogasho ku dileen 2 ka mid ah kooxdii bombka tuuray.
Afhayeenkaan waxaa uu tilmaamay in weerarkaani uu yimid kadib markii boolisku xaafado ku yaala magaalada Mombasa ay ka bilaabeen hawlgalo ay ku soo qab qabteen hub u badan qoryaha Ak47, la yiraahdo.
Taliyaha booliska gobolka Mombasa oo la yiraahdo Aggrey Adoli ayaa asna sheegay in xogta ay hayaan ay muujinayso in bambaanadaasi ay tuureen dad Kenyan ah oo Al-Shabab ka tirsan ama taageero u ah sida uu yiri.
Taliyuhu waxaa uu kale oo uu sheegay in hubka la qabtay ay leeyihiin dagaalyahanada Shabab ee Kenya ku sugan waxaana uu intaa kusii daray inay ku raad joogaan cidda bambada ku tuuray ciidamada booliska.
Dhawr jeer ayaa la weeraray booliska magaalada Mombasa iyadoo hawlgalo ay socdaan waxaa dhamaan weeraradaasi dusha laga saaray Xarakadda Al-Shabab oo iyadu aan willi sheegan qaraxa maanta dhacay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|