|
Li Baodong: "Waxaan rajaynaa in beesha caalamnka iyo dhinacyada Soomaalida fahmaan in fursad muhiim ah ay meesha taalo loona baahan yahay in laga fa’idaysto."
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Li Baodong: "Waxaan rajaynaa in beesha caalamnka iyo dhinacyada Soomaalida fahmaan in fursad muhiim ah ay meesha taalo loona baahan yahay in laga fa’idaysto."
Wakiilka joogtada ah ee dawlada Shiinaha u fadhiya Q,M Li Baodong, ayaa sheegay xilli uu ka hadlay magaalada New York oo uu ka socdo kulanka golaha amaanka ee Q,M inay jirto fursad muhiim ah oo ay heystaan beesha caalamka iyo dhinacyada Soomaalida taasoo uu ku sheegay in dalka Soomaaliya lagu xasilin karo.
Li Baodong, waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer ku jirtay xaalado adag taasoo ay Soomaalidu ka daaleen waxaana uu intaa ku daray inay muhiim tahay in fursadaan laga faa’idaysto.
Madaxda dawlada Soomaaliya ayaa danjiruhu u jeediyay inay ka shaqeeyaan nidaam dawlad wanaag ah oo dalka looga saarayo marxalada adag ee uu ku jiro isla markaana ay dalkoo dhan gaarsiiyaan.
"Waxaan rajaynaa in beesha caalamnka iyo dhinacyada Soomaalida fahmaan in fursad muhiim ah ay meesha taalo loona baahan yahay in laga fa’idaysto." Ayuu yiri wakiilka joogtada ah ee dawlada Shiinaha u fadhiya Q,M Li Baodong.
Wax uu ugu yeeray mucaaradka dawlada diidan ayuu sidoo kale safiirku ugu baaqay inay ka waantoobaan dhibaatooyinka oo ay si deg deg ah ugu biiraan hanaanka nabada ee Soomaliya.
Shiinaha ayuu sheegay inay taageerayaan tilaabo kasta oo Soomaaliy ay dhanka wanaaga ugu dhaqaaqayso.
Fadhiga golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa hor yaala ajandayaal si gaar ah xaaladda Soomaaliya u quseeya oo uu ka mid yahay in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran taasoo ururka midawga Africa uu dalbaday.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|