|
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya oo manata hortagaya Faadhiga Golaha Baarlamanka iyo Baarlamaanka oo cod kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya oo manata hortagaya Faadhiga Golaha Baarlamanka iyo Baarlamaanka oo cod kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha.
Iyadoo uu horay u codsaday Xubnaha golaha Baarlamaanka federalaka Soomaaiya in u muddo laba cesho ah uu ku hortaggo Ra'iisul wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) si ay uga dhageeystaan qorshihiisa ku aadan sida uu u soo dhisayo xukuumad cusb ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu hortago fadhiga ay maanta iskugu imanayaan xubnaha Baarlamaabka Soomaliyeed.
Xubnaha ayaa si weyn dhagta ugu taagaya waxaa uu la horimanadoono ra'iisul wasaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya iyo sida uu u doonaayo inay u siiyaan codka si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh ee wax ka qabata arrimaha muurugsan ee ka jira dalaka Soomaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xogheynta Baarlamanka ayaa sheegay in ajandaha kulanka maanta uu yahay in codka kalsoonida loo qaado Ra'iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Saacid, hase yeeshee taasi lama cadeyn karro inay manata siinayaan codka kalsoonidda iyo inay mar kale iskugu imaan doonaan fadhi kale oo ay ku ansixiyaan.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Xubnaha Golaha baarlamaanka ay codka kalsoonida siin doonaan Raiisul wasaare cusub ee Soomalaiya Md Saacid si uu u soo dhameystiro Xukuumaddiisa, waana suurtagal ayuu yiri in Ra'iisul wasaaraha in uu khudbad ka jeediyo Baarlamanka ama isagoon jeedin khudbad loo qaado codka kalsoonida ah.
Lama hubo inay maanta codka kalsoonida siin doonaan iyo in kale xubnaha Barrlamanka, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro wax xogaa tuhun ah oo soo kala dhaxgalay madaxdda sare ee dawladda cusub oo ku aadan qaabka loo soo xulaayo golaha wasiiradda taas oo aanan ilaa iyo hadda shaaca laga qaadin sida loo soo xulaayo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|