|
Warbixin ku saabsan Maxaabiis Soomaali u badan oo ka baxsaay xabsi ku yaala dalka Libya
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Warbixin ku saabsan Maxaabiis Soomaali u badan oo ka baxsaay xabsi ku yaala dalka Libya
In ka badan 100 maxbuus oo Soomaali ku jirto ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala duleedka caasimada wadanka Libya ee Tripoli.
Sid ay sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidamada illaalada xabsiyada dalkaasi ayaa sheegay in illaa iyo 100 ruux oo ku xirnaa xabsiga la yiraahdo Al-Judayda oo u badnaa mujaahiriin Africa ah o Soomaali ku jirto ay xalay xabsiga qeyb ka mid ah bur buriyeen oo kadibna ay ka baxsadeen.
Taliya ciidamada illaalada qaranka dalkaasi Libya Khaalid Al-Shariif ayaa sheegay in 60 ka mid ah maxaabiistii baxsatay ay ciidamadu dib u soo qabteen waxaana uu sheegay in kuwa baxsaday iyo kuwa lasoo qabtayba ay Soomaali ku jiraan inkastoo uusan sheegin tirada Soomaalida ka baxsaday xabsigaasi .
Hawlgalo lau baadi goobayo maxaabiistaas ayaa ka socda hareega xabsiga iyo caasimada Tripoli sida uu sarkaalkaasi tilmaamay.
Warar ay baahiyeen warbaahinta Libya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaali badan oo tahriib ahaan dalkaasi ku gashay ay xabsigaasi ku jiraan waxaana hay’adaha xaquuqda aadanuhu sheegaan in xabsigaan ay ka dhacaan falal bini’aadanimada ka baxsan oo maxaabiista lagula kaco.
Xabsiyada dalka Libya dhibaato badan ayay Soomaalidu ku qabaan kuwaasoo ay ka mid yihiin jir dil inay muddo badan xukun la’aan iska xirnaadaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|