|
Augustine Mahiga : “Ansixinta Ra'iisu wasaare Saacid ay ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka waxay caddeyn aan muran lahayn u tahay horumarka ka hanaqaaday Soomaaliya...”
Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Augustine Mahiga : “Ansixinta Ra'iisu wasaare Saacid ay ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka waxay caddeyn aan muran lahayn u tahay horumarka ka hanaqaaday Soomaaliya...”
Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay ansixinta raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
“Ansixinta ra'iisul wasaare Saacid ay ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka waxay caddeyn aan muran lahayn u tahay horumarka ka hanaqaaday Soomaaliya,” ayuu Mahiga ku sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiskiisa.
Mahiga waxa uu sheegay in ansixinta aqlabiyadda leh ee raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay astaan u tahay billow fiican oo wada-shaqeyneed iyo kalsooni u dhaxeeya labada qeybood ee dowladda.
Mahiga ayaa ugu baaqay raysul wasaaraha cusub inuu si deg-deg ah u magacaabo gole cusub oo wasiirro ah, isagoo xusay inay yaallaan howlo badan, waqtiguna uu aad u kooban yahay.
Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono raysul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa cusub.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay raysul wasaaraha. Kulanka ansixinta Saacid waxaa goob-joog ka ahaa 215 mudane, kuwaasoo dhammaantood cod buuxa ku oggolaaday raysul wasaaraha.
Ambassadoor Mahiga ayaa sido kale u hambalyeeyay shacabka soomaaliya ugana baaqay in ay la shaqeeyaan raysal wasaaraha cusub.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|