|
Maraykanka oo Soo Dhaweeyay Magacabista Ra'iisul wasaare Shirdoon
Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo Soo Dhaweeyay Magacabista Ra'iisul wasaare Shirdoon
Dowladda maraykanka ayaa waxa ay soo dhaweesay ansixintii shalay la ansaxiyay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayagoona shaaciyay in ay la shaqayn doonaan.
Haweeneyda Maraykanka u qaabilsan Q.M Suasan Rice ayaa war saxaafadeed ka soo saartay codbixintii loo qaaday shalay Ra’isul wasaraha Soomaaliya, ayaa waxay shaaca ka qaady in Maraykanku uu wada shaqeyn buuxda lasameen doono raysal wasaaraha cusub iyo xukuumada uu soo dhisi doono.
Dhanka kale Suasan Rice ayaa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Cabdi Faarax Shirdoon Ra’isul wasaaraha Soomaaliya madama war saxafadeedka lagu yiri waxaa ka muuqato ififaalo muujinaysa in Soomaaliya sanadaha soo socda ay noqon doonto mid kamid ah wadamada caalamka oo Amaankooda la’isku haleen karo.
Suasan Rice ayaa waxaa kaloo ay ka hadashy xaalada qaxootiga Soomaaliya oo ku kala sugan wadamada Africa haba ugu horeeye dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin qaxootiga ugu badan ee Soomaaliya.
Qaxootiga Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegtay in tiro ahaan markii hore ay ahaayeen 60,000 oo kun kuwaa oo ku kala sugan wadamada Africa walina ay jiraan xerooyin qaxooti oo sii kordhaya ayadoona hada ku sheegtay Soomalida Qaxootiga ku ah Africa ay kabadan yihiin 1 million.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|