|
Ra'iisul wasaare Saacid: "Xukuumad tayo leh ayaan u soo dhisayaa sida ugu dhaqsiyaha badan.."
Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaare Saacid: "Xukuumad tayo leh ayaan u soo dhisayaa sida ugu dhaqsiyaha badan.."
Cabdi Faarax Shirdoon Ra'iisul wasaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisi doono Golle wasiiro oo tayo leh, isla markaana ay xukuumaddiisu daryeeli doonto ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inay dhiirrigalin u tahay in golaha shacbiga Soomaaliyeed ay cod taariikhi ah ugu oggolaadaan inuu soo dhiso xukuumad uu hoggaamin doono Afarta sanno ee soo socota, Ra'iisul wasaaraha oo un waraamaayay Idaacadda qarannka ayaa sheegay in sida ugu deg deg badan u soo dhisayo xukuumad tayo leh.
"Waxaan wax ka qaban doonaa dhinacyada ammaanka, waxaana xoogga saari doonaa sidii loo hagaajin lahaa ciidamada Qalabka side" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu baahida ciidamada iyo daryeelkooda ka shaqeyn doono.
Ra'iisul wasaaraha waxa uu sheegay in dowladdu ay il gaar ah ku eegi doonto dhammaan dadkii ku waxyeeloobay difaaca dalka oo ay ku jiraan ciidamada naafada Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu la socon doono xaaladdooda nololeed iyo midooda caafimaad.
Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Ra'iisul wasaare Shirdoon si uu u soo dhiso xukuumaddii ugu horreeysay ee aan KMG ahayn muddo 20 sano ka badan, kaddib markii 215 mudane oo fadhiayay golaha baarlamaanka ay codkooda wada siyeen.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|