|
Maamulka Degmada Balcad oo joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray Beeraleyda iyo ganacsatada
Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Degmada Balcad oo joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray Beeraleyda iyo ganacsatada
Maamulka degmada Balcad ayaa gebi ahaanba joojiyay Canshuur horay Maamulka Gobolka Sh/Dhexe uu ku soo rogay dadka beeeraleyda ah iyo Ganacsatada.
Arintan ayaa ka danbeysay cabasho iyo qeylo dhaan ka timid dadka Ganacsatada iyo Beeraleyda oo dalagyadii beeraha hoos u dhac xooggan uu ku yimid, taasoo aysan awoodin iney bixiyaan canshuurta uu maamulka ku soo rogay.
Cabashooyin fara badan oo maalmahan gaarsiinayeen Ganacsatada iyo Beeraleyda Guddoomiyaha Degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ugu danbeyntii wuxuu ka dul ka joojiyay lacagihii canshuurta ee uu maamulka Gobolka kusoo rogay.
Beeraleyda oo dalagyadii beeraha ee ay heli jireen hoos u dhac uu ku yimid ayaa ugu mahad celiyay Guddoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole joojinta uu ku sameeyay canshuurihii laga qaadi jiray.
Maamulka Gobolka Sh.Dhexe ayaa horay beeraleyda iyo ganacsatada wuxuu ku amray iney bixiyaan lacago canshuur ah oo aysan awoodin in ay bixiyaan, taasoo dhalisay iney cabashooyin isdaba joog ah soo gaarsiiyaan maamulka degmada Balcad.
Somaliweyn, Balcad
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|