|
Muwaadin Soomaaliyeed oo la ogaday in al shabab si buuxda uu u taageeri jiray
Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Muwaadin Soomaaliyeed oo la ogaday in al shabab si buuxda uu u taageeri jiray.
Maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka
mareykanka ayaa muwaadin soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo
Mahamud Said Omar oo 46 sano jir ah waxa ay ku heshay dacwadihii loo
heystay oo 5 gaarayay kuwaas dhamaantoodba ahaa taageero uu u fidiyay
xarakada al shabab oo somalia ka dagaalanta.
Maxkamadda ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay iyo wareysiyo ay la
yeelatay Mahamud Said Omar uu qirtay in al shababka somalia uu
caawinayay islamarkaana uu ka gacan siinayay dhinacyada dhaqaalaha,
baraarujinta dhallinyaro somali mareykanka ah iyo sidoo kale
abaabulis weeraro argigixisinimo ah oo laga geysto gudaha dalka
mareykanka.
Guddoomiyaha maxkamadda qaadeysay dacwadaha loo heystay Mahamud Said
Omar ninka magaciisa Michael Davis ayaa warbaahinta u sheegay in ay
ogaadeen in ninkan soomaaliga ah intii u dhexeysay bishii September
2007 ilaa iyo bishii October 2009 xarakada al shabab uu u diray
lacago sida uu sheegay jihaadka loogu talagalay.
Gudoomiyaha maxkamadda Michael Davis ayaa sidoo kale sheegay in
muwaadinkan soomaaliyeed la xukimidoono balse ma uusan sheegan xilliga
rasmiga ah oo maxkamaddu ay ku dhawaaqeyso xukunka.
Dalka mareykanka gaar ahaan gobolka minisoota ayaa waxa ku nool 32
000oo soomaali ah, waxana dhallinyaro gobolkaasi ku sugnaa qaarkood
la ogaaday in falal ismiidaamin ah ay ka geysteen dalka somalia .
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|