|
Guddoomiye Cukaash: "Dadka Marka waxaan u sheegayaa wixii maanta ka dambeeya inaan loo deyn doonin canugii lagu helo isagoo Shabaab la shaqeynaya"
Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddoomiye Cukaash: "Dadka Marka waxaan u sheegayaa wixii maanta ka dambeeya inaan loo deyn doonin canugii lagu helo isagoo Shabaab la shaqeynaya"
Tan iyo markii magaalada Marka ay la wareegeen ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM waxaa magaaladaasi ka dhacayay falal kala duwan oo isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro gaadmo ah oo magaalada gudaheeda loogu geysanayo ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha degmada Marka oo ah caasimada gobolka Sh/hoose Md. Axmed Macallim C/raxmaan (Cukaash) ayaa ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee magaaladaasi, wuxuuna qiray in amniga uu yahay mid ka soo reynaya, hase yeeshee weli gudaha magaalada inay ku sugan yihiin rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.
"Waxaan qabanay dhallinyaro fara badan oo ka mid dadka degan magaalada Marka, waana sii deynay qaarkood markii ay waalidiintooda naga codsadeen" ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka oo sheegay in dhallinyarada degan magaalada qaarkood ay ku lug leeyihiin falalka amni darrida ah ee ka dhacaya magaaladaasi iyo guud ahaan degaanada hoos yimaada gobolka Sh/hoose.
Mar uu ka hadlayay howlgalada ciidamada Dowladda ay ka wadaan magaalada Marka waxa uu sheegay in mudadii 60-ka maalmood ahayd ee magaaladaasi ay ka talinayeen ay ka wadeen howlgallo iyo baaritaanno la xiriira haraagii kooxaha Shabaab oo iyagu ku sugan magaalada Marka, wuxuuna caddeeyay in howlgaladaasi qaarkood ay ku soo qabqabteen iyo walxa qarxa.
"Dadka Marka waxaan u sheegayaa wixii maanta ka dambeeya inaan la sii deyn doonin canugii lagu helo isagoo Shabaab la shaqeynaya" ayuu yiri Guddoomiyaha deg. Marka Md. Axmed Macallim C/raxmaan (Cukaash) oo sheegay in dhallinyarada lagu helo fal dambiyeedyo argagixisanimo ay maxkamad soo taagayaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|