|
Sarkaal Al qaacidda ah oo socdaal Soomaaliya ah ka soo laabtay oo lagu xiray dalka Yeman
Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sarkaal Al qaacidda ah oo socdaal Soomaaliya ah ka soo laabtay oo lagu xiray dalka Yeman
Dowladda yeman ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay sarkaal
sare oo ka tirsan al qaacidda kaas oo ka dhexmuuqda liiska xubno
dowladda mareykanka ay si aad ah u baadi goobeysay .
Saraakiisha dowladda Yeman ee ku sugan gobolka Xadramoot ee dalka
Yeman ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen islamarkaana uu u
xeranyahay sarkaal caan ah oo al qacidda ka tirsan kaas oo ka soo
laabtay socdaal uu ku gaaray dalka somalia isagoo kulamo la soo qaatay
madaxda ugu sar sareysa xarakada al shabab sida saraakiisha dowladda
Yeman ay sheegeen.
Saraakiisha dowladda Yeman ayaa hadalkooda intaa ku daray in
sarkaalkan laga qabtay degedda la yiraahdo Dhibah ka soo
laabashadiisii dalka somalia , waxana ay sheegeen in ciidamada ammaanka
dowladda yeman ee ku sugan gobolka xadramoot la soo wargeliyay
islamarkaana qabashada sarkaalkan ka tirsan al qaacidda uu ahaa mid
qorsheysan.
Dowladda Yeman ma aysan sheegin magaca sarkaalkan al qaacidda ka
tirsan oo somalia ka soo laabtay, waxana warar hoose ay shegayaan in
dowladda sarkaalkan loo gacan gelin doono dowladda mareykanka oo si
aad ah u baadi goobeysay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|