|
Fashil ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay dawlada Ethiopia iyo jabhadda ONLF
Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
 
Fashil ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay dawlada Ethiopia iyo jabhadda ONLF
Waxaa maanta fashil ku soo gabagaboobay wadahadalo maalmihii ugu danbeeyay usocday Jabhada ONLF iyo Dowladda Ethopia kaa oo ka socday wadanka Kenya.
Madaxa arimaha Dibadda Jabhadda ONLF C/raxmaan sheikh Mahdi oo lahadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA waxaa uu shaaciyay in guud ahaanba wada hadaladii usocday Jabhadooda iyo Ethopia uu fashil ku soo gabagaboobay oo aan laga gaarin hadafkii laga lahaa.
C/raxmaan sheikh Mahdi ayaa waxaa uu sheegay in uu wadahadalkaani kii ka horeeyay uu dhacay 6 ila 7 sep asagoona ku soo gabagabooba is afgarad,kulankaani ay isku maandhaafeen ayaga iyo Ethopia uu isna socday 15 16 ilaa iyo 17 bishaan maantana is afgarad waa uu kudhamaaday,qodobada ay iskuafgaran waayeena waxa uu ku sheegay in ay kala ahaayeen in ay aqoonsadaan dastuurka Ethopia iyo in arinkaa loo dayo shacabka Ogaadeeniya si ay ayahooda uga tashtaan.
Ugu danbeentii C/raxmaan sheikh Mahdi madaxa arimaha dibadda Jabhada ONLF ahaana shaqsigii umatalayay jabhadaasi ayaa waxa uu fafahin kooban ka bixiyay sababaha ay udiideen in ay aqoonsadaan dastuurka dalkaasi Ethopia asagoona tibaaxay in dastuurkaani ay horay uga soo horjeesteen sanadkii 84 wuxuuna carabka ku adkeeyay in aysan marnaba aqbali doonin dastuurka Ethopia ilaa cod looga qaado shacabka Ogadeeniya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|