Somali News
    Hees  

Ciidamada badda Puntland oo ku guuleystay inay qabtaan dooni siday Hub iyo walxo qarxa + Sawirro

Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada badda Puntland oo ku guuleystay inay qabtaan dooni siday Hub iyo walxo qarxa

Ciidamada badda ee Puntland ayaa ku guulaystay howlgal ay ka sameeyeen degmada Qandalla ee gobolka Bari inay kusoo qabtaan dooni siday hub iyo walxaha qarxa oo ay ku aasayeen degaano ka tirsan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka uu dhacay kaddib markii ciidamada badda maamulka Puntland uu ka war helay doonida oo ku soo dhowaatay xeebta degaano ku dhow degmada Qandala, degaankaasi oo lagu magacaabo Hooriga.

Taliyaha ciidamada badda Puntland G/sare C/risaaq Diiriye Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka degmada Qandala uu ku wargeliyay doonida hubka siday oo uu sheegay inay wadeen rag ajnabi ah.

Doonta hubka siday oo ka timid wadanka Yeman ayaa la sheegayaa in hubka ay ku aaseysay degaanka Hooriga oo ku dhow Qandala, inkasta oo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo ogeyn hubkaasi halka uu ku socday.

Guddoomiyaha gobolka Bari C/Samad Maxamed Gallan oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan guuleystay uu ahaa mid ah ka qeyb qaateen dadka degaanka, wuxuuna uga mahad celiyay gacantii ay ka heleen kalluumeysato ka soo jeeda degaanka.

Dhinaca kale doonida hubka siday ayuu sheegay Guddoomiyaha gobolka Bari inay weli ku hayaan baaritaano la xariira doonta halka ay kas timid iyo halka ay ku sii jeeday iyo waliba hubka iyo walxaha qarxa ee saaran cida iska leh.

Ma aha markii ugu horeysay oo degaanada Puntland laga soo dejiyo hub iyo waxlo qarxa oo intooda badan laga keenay wadanka Yeman, ilaa iyo iminkana lama oga hubkaasi inuu ku socday maleeshiyada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Bari iyo inuu ahaa mid ganacsi oo ay leeyihiin ragga la shaqeeya Al-Shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)