Somali News
    Hees  

M.Ghedi: "Masar oo diiday megengelyada Soomaalida ka cararaya dagaalada Suuriya iyo Yahuuda oo gacmo furan ku soo dhoweysay" 

Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


M.Ghedi: "Masar oo diiday megengelyada Soomaalida ka cararaya dagaalada Suuriya iyo Yahuuda oo gacmo furan ku soo dhoweysay" 
 
Warar lagu kalsoonaan karo oo aannu ka helay muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada wadanka Suuriya (Syria) ee Damascus, waxay sheegayaan  in markii ay ka sii dareen dagaaladdii ka soconaayay wadanka Syria inay  qaar ka mid ah muwaadiniin Soomaaliyeed  ee ku noolaa wadanka Syria ay u kala carareen wadamada gobalkaas ku yaal.
 
Waxaa fajiciso igu noqotay markii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku sugan Suuriya, ay ii sheegeen Soomaalidii gaartay dalka Masaarida, iyagoo watay "Fiisayaal sharci ah oo laga siiyay Safaarada ay Masar ku leedahay Syria" in laga soo celiyay Airport-ka  Qahira, iyadoo dib loogu  celiyay wadankii uu dagaalku ka socday ee Syria.
 
Dhinaca kale, waxaa farxad  lama filaan ah igu noqotay, markii la ii sheegay Soomali ka carartay dagaalada ka soconaaya Syria, markii ay gaareen wadanka Isreal/Yahuuda in markii la baaray ka dib, dadkaas loo ogolaaday inay si nabad ah dalkaas ugu noolaadaan ilaa amar danbe.
 
Haddaba waxaan shacabka  Soomaliyeed ugu baaqayaa inaanan lagu baar-laxawsan Afrikaan ayaan isku nahay, Islaam ayaan isla  nahay, iwm oo aanan waxba laguugu qabaneyn maalintay  kaa xun tahay, Afrikaanimada waa loo dhashaa ee leyskama baryo, Caabudaada Alle qof kasta ayaa laga rabaa in uu Ilaahay ku caabudo Diinta uu haysto, ciddii ay aqoonteedu amba da'deedu u saamaxayso dib how xusuusato mowqifkii ay kala taagnaayeen dowladahii Soomaliya lagu dhoweynaayey iyo  Xukumaddii Yuhuuda xilligii  ay Qaramada Midoobey " Aftida" u qaadeysay Shacabka Soomaaliyeed in la siiyo madax-bannaani iyo yaan la siin?.
 
Waxaan dowlada Jamhuuriya Federaalka Soomaliyeed ugu baaqayaa inay guddi baaritaan u saarto, sababta keentay inay dowlada Masar inay muwaadiniin Soomaaliyeed siiso  fiisayaal (Visas) misana  dadkii ay fiisayaalka siisay ka soo celiso Airport-keeda?. haddii ay dowlada Masaaridu keeni weyso sabab looga qanco dhacdadaan xannuunka badan , waa inay dowdada Masaaridu bixisaa dhammaan Kharashkii safarka ee ka baxay muwaadiniintaas iyo raali gareyn ( Travel Expenses Re-imbursement and apology)
 
Ugu danbeyntii, waxaa kaloon ugu baaqayaa dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed inay wixii awoodeeda ah ugu  gurmato muwaadininta Soomaliyeed ee ku xaniban ( Trapped) gudaha wadanka Syria ee ay ka socdaan dagaalada ka sii daraaya maalinba maalinta ka danbeysa.
 
 
 
Ex- Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
     
Xilqaad12@hotmail.com
    Rochester, MN.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)