|
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay saakay booqasho ku tegaya Magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne
Mogadishu Isniin 1 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay saakay booqasho ku tegaya Magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii ugu horeysay u kictimaya qaar ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaan Magaalada Baydhabo iyo magaalada Baladweyne.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya qabanqaabada iyo diyaar garowga safarka Madaxweynaha, waxaa la sheegayaa inuu Muqdisho ka qaadanayo diyaarad gaar ah, si uu dhaqsi ugu gaaro gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beled Weyne oo dhowaan ay ka dhaceen fatahaado qasaaro geystay.
Madaxweynaha ayaa kormeeraya baaxadda qasaaraha uu geystay wabiga Shabeelle, isla markaana booqanaya degaanada ay ku sugan yihiin dadkii ka cararay fatahaadaha oo la geeyay meel duleedka B/Weyne ku aadan.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho maalin barkeed ah ku tegaya magaalada Baydhabo, iyadoo booqashada Madaxweynaha
uu ku wehlinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafuud kale.
Dhinaca kale akhristayaasheena sharafta leh waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka gaaban ee markii ugu horeysay uu uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|