|
Abwaan Maxmed Xaanshi Dhamac Gaariye oo xalay ku geeriyooday Magaalada Oslo
Mogadishu Isniin 1 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Abwaan Maxmed Xaanshi Dhamac Gaariye oo xalay ku geeriyooday Magaalada Oslo
Allaha u Naxaristee Waxa ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ka mid ahaa Abwaaniinta Soomaaliyeed oo magac iyo Maamusba ku laahaa fanka Soomaaliyeed.
Abwaanka ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ku xanuunsanaye dalka Norwey, waxaana Abwaanka lagu xasuustaa baalka dahabka ah ee uu taariiqda dalka Soomaaliya ka galay iyo gabayada caanka ah ee uu tirayay xiliyadii kala duwanaa.
Allaha unaxariistee Abwaankaasi ayaa ka mid ahaa kuwooda ugu wanaagsan sameynta badnaa dhinaca suugaanta Soomaalida waxaana uu udhintay xanuun in muddo ah hayey Abwaanka.
Abwaanka ayaa waxa la sheegay in meydkiisa manta lagu aasi doono magaalada Hargeysa hakaasi oo lagu wado in aaskiisana ka qeyb galaan dad farabadan.
UJEEDO/Tacsi Tiiraanyo leh
Hogaanka sare ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ucid,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan DHAMAAN SHACBIWAYNAHA REER SOMALILAND igoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM ABWAAN MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) Abwaanka oo xaley ku geeriyoodey WADANKA NORWAY gaar ahaan OSLO oo uu in mudo ah ku xanuusaneyey
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay
Aamiin Aamiin Aamiin
Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID
Yusuf Keyse Allahi
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|