|
Ciyaaryahan Maxamed Xasan Teeyoow oo Saakay ku guuleystay Tartan orodo ah oo London ka dhacay
Mogadishu Isniin 1 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciyaaryahan Maxamed Xasan Teeyoow oo Saakay ku guuleystay Tartan orodo ah oo London ka dhacay
Waxaa maanta Magaalada London ee xarunta dalka Ingriiska ka dhacay tartan loo qabtay kooxaha dhanka orodada ee ka dhisan Magaaladaasi london.
Ciyaaryahan Maxamed Xasan Teeyoow oo ah oradyahankii Soomaaliya u matalayay tartankii olypic-kada aduunka ayaa dhawaan heshiis la gaaray kuna biiray koox dhanka oradada ah oo ka dhisan dalka Ingriiska .
Ciyaaryahan Maxamed Xasan oo matalayay kooxdiisa cusub oo lagu magacaabo themes vellay heares ayaana kaalinta 1aad ka galay tartankaasi waxaana la siiyay abaal marin lacageed.
laacibkaani dhanka oradada magacna ku yeeshay tartankii Olypic-kada aduunka ayaa u muuqda inuu katalo baxay ku soo laabashada dalka islamarkaasna uu go'aansaday inuu ku sii noolaado dalkaasi ingiriiska.
Tartankaani uu ku guuleystay maxamed xasan ayaa ahaa lagu tartamayay 10 Kmt oo kakoroos koontari ah waxaana uu muujiyay karti dheeraad ah iyo adkeysi markii uu ka adkaaday 250 orodyahan.
W/Q: C/fitaax Maxamed Salaad (diyeeshe)
diyeeshe@journalist.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|