Somali News
    Hees  

Diyaarad madaafiic la dhacday gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab

Mogadishu Isniin 1 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Diyaarad madaafiic la dhacday gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab

Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarad dagaal oo loo maleenaayo in dowladda Kenya ay leedahay ay gantaalo la dhacday gaari yar oo ay saarnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Gaarigaan oo ah nooca Rooneetka loo yaqaano ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab, waxaana xubnahaasi ku jira saraakiil aan magacyadooda lahayn hase ahaatee ka mid ah saraakiishii Al-shabaab ee Kismaayo isaga baxday.

Gaariga ayaa gabi ahaanba burbujray, waxaana xitaa la aqoonsan Karin markii la dul tago tirada dadka rasmiga ah ee gaarigaasi saarnaa, laakiin waxaa laga yaabaa in faah faahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo aadan.

Gaadiidka sidaan oo kale madaafiicda lala eegto ayaa badi waxaa lagu tuhmaa inay saaranyihiin rag badan oo ka mid ah ciidamada Al-shabaab gaar ahaan saraakiil iyo sidoo kale xubno ka mid ah Al-qaacida.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)