|
Taliye ku xigeenka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM : "Waxaan balan qaadaynaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho inaan wax ka qabano.."
Mogadishu Isniin 1 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliye ku xigeenka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM : "Waxaan balan qaadaynaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho inaan wax ka qabano.."
Taliska ciidamada Booliiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay xaalada ammaanka ee Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay wax wayn ka qabteen arrimaha ammaanka Caasimada.
Generaal Oyonko Taliye ku xigeenka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM oo ayaa sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo xasilinteedaba.
Taliye ku xigeenka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM waxa kale uu sheegay in hada Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda dowladaha Nigeria Iyo Ugandha ujeedada ay u yimaadeena ay tahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay Taliyuhu in ciidamada Booliiska AMISOM ay balan qaadayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho ayna la shaqeynayaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee ku sugan saldhigyada Caasimada ku yaala.
Taliye ku xigeenka waxa uu balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho ammaankana ayna ku dadaalayaan sidii magaalada oo idil si nabad ah loogu wada socon lahaa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|