|
Maxaad ka Taqaan Heesaha ugu doorka roon ee lagu xasuusto Hobolka Xasan baashe vs hablaha uu la Heesay..........?
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxaad ka Taqaan Heesaha ugu doorka roon ee lagu xasuusto Hobolka Xasan baashe vs hablaha uu la Heesay..........?
Xubinteena Fanka Waxaan Idinkugu soo gudbineynaa Warbixin aanu ku odorosi doono Fanaanka Xasan Aadan samatar’ Xasan Baashi’ oo ka mida heesaagii loogu jeclaaa dhinaca fanka waxaana fanaanku uu ku luqeeyaa heeso dabacsan oo u gaara, kuwa wadani ah iyo kuwa uu la qaado lamaanaha dumarka.
Hadaba Hablihii ay heesaha Wada qaadeen Alfanaan Samatar waxa ay kala ahaayeen.
-
Alaha u naxariistee xaliimo Khaliif Magool………Boqoradii Codka
-
Sahro Axmed Jaamac
-
Saynab Xaaji Cali Siigaale ‘Baxsan’
-
Aamino Cabdulaahi Xirsi
-
Khadro Daahir Cige
-
Saado Cali Warsame ‘Cunaabi’
-
Khadiijo Maxamuud Khalanjo
-
Shankaroon Axmed yuusuf ‘Sagal’
-
Sahro Abuukar Cabdi’ Sahro Dawo’
-
Xabiibo Xasan Tooxow
-
Shamso Cumar Axmed
Fanaanka Samatar Heesaha dabacsan iyo Kuwa wadaniga ee uu qaado Waxaa laga xusi karaa oo aan aqristayaasha u soo Xulay.
Heesta Nabsi Heesta Wadaniga ah ee la magac baxday GUDI
Haasaha Talantaaliga ee u la qaaday Hablaha waxaa ka mida kuwa aan u soo xulay aqristayaasheena kana mida heesaha talantaaliga ee loogu jecelyahay Samatar.
Heesta RAXMAD oo ay wada qaadaan AUN Xaliimo Khaliif Cumar ‘Magool’ Boqoradii Codka
Heesta HAATUF oo ay la qaado Fanaanada Codka Dahabiga leh Sahro Axmed Jaamac
Heesta HA GOR GORININ oo ay la qaado Fanaanada Caan Baxday ee luuqda Macaan saado Cunaabi Cali Warsame.
Heesta KU JAR HADALKA oo ay la qaado Fanaanada Codka Baxsan Shankaroon Axmed Yuusuf’ Sagal’
Heesta KAALAY SACABKA IGU QABO oo ay la qaado Fanaanada Codka Dagan Shamso Cumar Axmed
Heesta KALA HARI MEYNO oo ay wada qaadaan Fanaanada Codka Macaan Saynab Xaaji Cali Siigaale’ Baxsan’.
Heesta DAWO oo ay wada qaadaan Fanaanada Da.da yar ee Codka Naxaariista leh Sahro Abuukar Cabdi ‘ Sahro Dawo’
Heesta WAA DUULISTEENII oo ay wada qaadaan Fanaanadda Caan Baxday luuqdana macaan Saado Cunaabi Cali Warsame.
Heesta Wadaniga ah ee MACAASH oo ay wada qaadaan Fanaanada Codka Toolmoon ee Khadro Daahir Cige
Hobolka Xasan Aadan Samatar ‘ Xasan Baashi’ Waxaa heestii ugu horeysay u dhiibay Abwaan Maxamed Cumar Nadaam heestaasi oo lagu Magacaabo Hanaanka,waxaana hobolku uu kaga qeyb galay horaantii sanadihii 70meeyada Barnaamijkii Heesaha hirgalay isagoo ku Galay Kaalinta 1aad.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’ uurdoox
| uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|