|
Odayaasha Baladweyne oo Kulan Amaanka loga hadlaaya la yeeshay Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Odayaasha Baladweyne oo Kulan Amaanka loga hadlaaya la yeeshay Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM
Odayaasha dhaqanka ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta markii ugu horeysay kulan loga hadlaayo dhinaca amaanka waxaa ay kula qaateen saldhiga ugu weyn ciidamada Midowga Africa qeybtooda dalka Juubuti ee loo diyaariyay in ay howlgalkooda ku baahiyaan Gobalka Hiiraan,
Odayaasha iyo Saraakiisha Jabuutiyaanka ayaa sidoo kale kulankoodaas iskula soo qaaday arimo ay ka mid tahay saameyntii fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabelle ee Baladweyne ku fatahay mudo haatan laga joogo hal bil ah.
Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Qeybta ka ah Amisom Col. Cismaan Dubbad oo la hadlay Saxaafada ay sheegay in iyaga iyo Odayaasha Baladweyne ay isla gaareen go.aan ah sidii ay isaga kaashan lahaayeen Sugida Arimaha Amniga Baladweyne iyo guud ahaan Gobalka Marka laga xureeyo Malayshaadka Alshabaab.
Cismaan Dubad waxaa uu soo hadal qaaday tababar ay doonayaan in ay u furaan ciidamada AMISOM dhalinyarrada hubeysan qaabka Dowliga ah ee ku kala firirsan magaalada, isaga oo sheegay in arintaasi ay noqoneyso qeyb ka mid ah qorshaha la doonayo in wax looga qabto nabad-galyada.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay arinta fatahaada inta badan ku soo noq noqta magaalada Baladweyne, taasoo sida uu sheegay dhibaato ba’an ku heysa dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in ay ka fikiraayaan sidii looga weecin lahaa magaalada biyahan soo noq noqda ee ka soo fataha wabiga Shabeelle.
Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyna ayuu sheegay in sidoo kale ay ka wadaan dhisme dib loogu dayartirayo, simarkaa garoonku uu u noqdo mid ay adeegsan karaan diyaaradaha xamuulka qaada.
Odayadii maanta ka qeyb-galay kulanka saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan qodobada ay kala hadlleen saraakiisha iyo qorshayaasha ay u dajiyeen sugida amniga, iyaga oo balan-qaaday dhinacooda in ay arintaa gacan ka geysan doonaan.
Max’ed Cabdi ‘’Gacamey’’ oo ka mid ah Nabadoonadii la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in dhinacooda wixii gacan ah oo looga baahdo ka geysan doonaan wax ka qabashada amniga, isaga oo sheegay in odayaashu ku caawin doonaa saraakiisha midowgga Africa sidii loo suurtagalin lahaa qodobada laga wada hadllay.
Waa markii ugu horeysay ee Kulan sidan ah uu dhexmaro Odayaasha iyo Saraakiisha Amisom ee magaalada Baladweyne waxaana meesha ka muuqanaaya in xiligan Amisom ay Muhiimad gaara siineyso Odayaasha Marka la dhinac dhigo Siyaasiyiinta damaacinaaya in Amisom ay ciidan ahaan uga faaideystaan awoodooda.






Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|