|
10-ka mid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo lagu maxkamadeeyay dalka Jarmalka
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

10-ka mid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo lagu maxkamadeeyay dalka Jarmalka.
Maxkamad ku taala dalka Jarmalka ayaa waxay xukunno kala duwan ku riday kooxo Burcad badeed Soomaali ah, kuwaasi oo gaaraya Toban Ruux xilli la sheegay in lagu helay falal Burcad badeednimo ah.
Maxkamadda xukunka ku riday Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxay ku taalaa gobolka Hamburg ee dalka Jarmalka , iyadoo maxkamadu 7-ka mid ah Burcadbadeedaasi ku xukuntay qofkiiba 7- sanno oo xarig ah, halka sadaxda kalana lagu xukumay min sadax sanno oo xarig ah, waxaana loo haystaa sadaxdaa in ay caawinaeen 7- kale oo xukun ka dheer lagu riday.
Garsooraha maxkamadda Bernd Steinmetz ayaa sheegay in raggaan ay doonayeen inay markab ka qaataan lacag madax furasho ah oo dhan 1-milyan oo dollar.
10 ka nin ee la xukumay ayaa waxa ka mid ah nin ku tilmaamay xukunkaa in uu yahay mid sharci daro ah maadaama ayuu yiri ay dalkooda Soomaaliya dhibaato ay ku joogeen hadana qurbaha lagu xukumay.
Dhanka kale bishii April sanadkii 2010-ka ayaa Burcadad badeedaani la xukumay waxaana gacanta ku soo dhigay Dowladda Holand xilli ay sii daayeen markabka MV Taipan, kadibna waxa ay ku wareejiyeen Dowladda Jarmalka.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|