|
Ra'iisul wasaare Saacid : " Waxay Xukuumadayda 100 -ka maalmood ee ugu horreeya ay xoogga saari doontaa sugidda ammaanka oo ah.."
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaare Saacid : " Waxay Xukuumadayda 100 -ka maalmood ee ugu horreeya ay xoogga saari doontaa sugidda ammaanka oo ah.."
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khadka Telfoonka uga qeyb galay kulan isaga lagu taageerayay oo ka dhacay dalka Sweden ayaa waxaa uu ka hadlay waxa ay qabaneyso xukumadiisa 100-maalmood ee ugu horesya.
Waxaa uusheegay R/wasaaragha inay xooga saareyso xukumadiisa 100-ka maalmood ee ugu horreysa sugidda ammaanka, dib u heshiisiinya iyo soo celinta kaabasyaasha dhaqaalaha dalka ee buruburay.
"Xukuumaddeydu waxay noqon doontaa mid yar oo tayo wanaagsan, waxaana 100 -ka maalmood ee ugu horreeya ay xoogga saari doontaa sugidda ammaanka oo ah mid muhiimad weyn aan siinayno, dib u dhiska iyo soo celinta kaabayaasha bulshada," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Mr Saacid in Dowlada Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in maamulo loo sameeyo gobolada laga xureeyay Al-shabaab, hase yeeshee waxaana uu tilmaamay mamul u sameynta gobolada inay ku xirantahay rabitaanka shacabka deegaanada maamula loo sameynayo ku nool.
Dhinaca kae R/wasaaraha ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in maamulo loo sameeyo gobolada laga xureeyay Al-shabaab, waxaana uu hoosta ka xariiqay in gobolada Al-shabaab laga saaray aan laga dhisi doonin maamulo aanay raali ka aheyn shacabka ku dhaqan.
"Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto ciddii ay shacabka ku nool gobollada dalka doonayaan inay maamusho, balse ma dhici doonto in maamul aanay ralli ka ahayn dadka loo sameeyo gobollada" ayuu sheegay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Ugu danbeytiina R/wasaaraha ayaa ka codsaday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa inay kaalin mug leh ka qaataan caawinta dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay afarta sano ee soo socota ay dalka gaarsiiyaan horumar ka ballaaran midda hadda jira.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|