|
Khasaare ka dhashay Qarax Miino oo lala beegsday goob lagu shaaho oo ku taala Magaalada Baydhabo
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Khasaare ka dhashay Qarax Miino oo lala beegsday goob lagu shaaho oo ku taala Magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare lixaad leh, waxaana lagu soo waramayaa in dad Gaaraya Shan qof ay ku dhimatay qarxaasi, iyadoo ku dhawaad 10-kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi miino oo shalay galabta ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla magaalada Baydhabo.
Wararku waxay sheegayaan in baarka shaaha lagu cabaayay ee qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo lala beegsaday qaraxaasi, waxaana lagu soo waramayaa in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas inay ku jireen dad shacab ah oo ay ku jirto haweeneydii laheyd maqaayadda qaraxa uu ka dhacay.
Sidoo kalena waxaa ka mid ah Dadka uu khasaaruhu soo gaaray Ciidamadii dowladda ee goobta ku sugnaa qaarkood, iyadoo Mas’uuliyiinta maamulka Dowladda ee Baydhabo ay sheegeen in dadka weerarkaasi ku dhaawacmay ay saddex ka tirsan yihiin askarta dowladda, ayna baarayaan waxa dhaliyay qaraxaasi ka dhacay maqaayad ku taala Magaalada Baydhabo.
Dhinaca kale tan iyo xiligii dowladu ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta Baaydhabo waxaa ka dhacay qaraxyo badan, hase ahaatee qaraxan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Baydhabo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|