Somali News
    Hees  

Dablay Hubaysan oo xalay nin rayid ah ku dilay gudaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dablay Hubaysan oo xalay nin rayid ah ku dilay gudaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in xalay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ay ku toogteen nin shacab ah oo la sheegay inuu ahaa Farsama yaqaan.
Ninkaan la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa farsama yaqaan sameeya Alaabaha Electrinica ah sida TV-yada iyo Raadiyaasha, lamana oga ayaa la leeyahay sababaha loo dilay.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka Shabeelada Hoose Axmed Cismaan Mudanayaa sheegay ruuxa la dilay inuu ka mid ahaa maxaabiistii Al-shabaab ay fasaxeen markey degmada ka baxayeen hase yeshee faahfaahin dheeraad ah kama bixin gudoomiyuhu waxa uu u xirnaa ninkaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeyay dilka xalay ka dhacay magaalada marko kooxda Al-shabaab, waxana dilkaan uu imaanayaa xili bulshada ku nool magaaladaasi ay ka cabanayeen amni daro ka jirta magaalada, waxana shalay magaalada ka dhacay banaanbaxyo looga so horjeedo falalka amni dari ay halkaasi ka jira.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)