Somali News
    Hees  

Horyaalka Talyaaniga 2012-2013 oo Hogaamintiisa lagu kala baxay, Juventus oo ka Tagtay Napoli

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Horyaalka Talyaaniga 2012-2013 oo Hogaamintiisa lagu kala baxay, Juventus oo ka Tagtay Napoli

ka dib Markii 7 Kulan oo ka Tirsan Wareega Hore ee Horyaalka Talyaaniga 2012-2013 ay soo socdeen Koxaha Napoli iyo Juventus ayaa Xalay Hogaanka Horyaalka waxa Xaqiijisay lana Wareegtay Kooxda Juventus oo garoonkeeda ku soo sagootisay Kooxdi Malamahan ay kala Fuqi waayeen ee Napoli, waxaana ay uga badiyeen 2-0.

Kulankaan oo ahaa mid adag ayaa qeybtii Hore ku soo idlaaday 0-0 hase ahatee Markii la siagu soo noqday waxaa labada Kooxcood ay isku qaadeen weeraro kala gadisan waxaana u suurta gashay Koxda Juventus in 2 Daqiiqo Gudahood ay ku keensadeen 2 gool oo is xigay Daqiiqadii 80 iyo 82 waxaana Labada Gool u kala dhaliyay Ciyaarayahnada kala ah Caceres iyo Pogba.

Kooxda Juventus ee Difaacaneysa Horyaalka talyaaniga wali lagama badin waxaana ay Horyaalak ku Hogaamineysaa 19 dhibcood iyadoo kulan kaliya barbardhac Gashay kaasoo ay la yeelatay Kooxda Fiorantina.

Lazio ayaa Iyaduna Milan ku Duugtay 3-2 Waxaaana Ciyaartaan ay Mugdi Galisay sii waditaankiisa Kooxda Ac Milan Tababarahooda.

Maanta waxa jiri doona Kulamo kale oo ka Tirsan Lugta 8 ee wareega Horte ee Horyaalak Talyaaniga 2012-2013 waxaana Ilgaara Lagu haya Kulanka u dhaxeeya Inter Milan vs Catania oo ah kan ugu adag Maanta Kulamada Horyaalka Talyaaniga

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)