|
Safiirka oo u diiday ganacsato dooneysay in ay dayactir ku sameeyaan safaarada Soomaaliya ee Uganda
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Safiirka oo u diiday ganacsato dooneysay in ay dayactir ku sameeyaan safaarada Soomaaliya ee Uganda.
Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safiirka safaarada soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir uu u diiday ganacsato mutadawiciin ah oo doonayay in ay dayactir iyo qalabeyn ku sameeyaan safaarada Soomaaliya ee dalka uganda kadib booqashadii madax weynaha jamhuuritada federaalka soomaaliya Prof. xasan Sheekh Maxamuud ku yimid dalka uganda 08/10/2012- 11/10/2012.
Safiirka ayaa ganacsatada si cad uga sheegay in hadii ay doonayaan in ay dayactir ku sameeyaan Safaarada soomaaliya ay marka hore soomaraan nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cumar Mandela kaas oo sida la sheegay uu ka amar qaato, una sameeya jaangooyada siyaasadeed isla markaana aan ogoleyn in uu safiirku noqdo mid u dhaxeeya shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka uganda maadaama uu dhaqaale ahaan uu isagu gacanta ku hayo.
Ganacsatadan Soomaaliyeed ee mutadawiciinta ah ayaa qorsheystay in hadii dowlada Soomaaliya ay ka baxday ku meel gaarka ay iyana dayactir iyo qalabeyn ku sameeyaan safaarada Soomaaliya oo ah mid muuqaalkeedu aad iyo aad u liito una baahan dayactir iyo dib u qalabeyn xoog leh.
Musqulaha safaarada ayaan laheyn albaabo isla markaana nadaafad ahaan aad u liita, iyadoo ay sii dheer tahay qashin fara badan oo dhex ceegaaga gudaha safaarada, waxaa kaloo la yaab leh in qolka uu safiirka ka degan yahay safaarada midka ku xiga aanu wax daaqado iyo albaab ahba laheyn, dhinaca kale go, aanka safiirka ayaa niyad jab iyo layaab ku noqday ganacsatada doonayay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska qaranka soomaaliyeed, Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa kamid ah meelaha u baahan in ay dowlada si deg deg ah wax uga qabato maadaama Uganda ay tahay dalka ciidamada ugu tirada badan ay ka joogaan soomaaliya isla markaana hogaamiya AMISOM.


Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|