Somali News
    Hees  

Mid ka mid wariyaasha Shabelle oo Goor dhow Muqdisho lagu dhaawacay

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mid ka mid wariyaasha Shabelle oo Goor dhow Muqdisho lagu dhaawacay

Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa Kooxo Hubeysan waxaa ay ku dhaawacay Wariye ka tirsan Idaacada Shabelle oo lagu magacaabayay Maxamed Maxamuud Tuuryare.

Wariyaha ayaa waxaa dhaawacay ragg bastoolado ku hubeysan oo ku weerareen meel u dhow gurigiisa oo ku yaal Xaafada Xaawo Taako, iyadoo rasaasta kaga dhacday caloosha iyo feeraha.

Wariye Maxamed Bashiir ayaa sheegay in Wariyaha dhaawiciisa yahay mid culus, isla markaana haatan la dhigay Isbitaalka Madiina oo xaaladiisa caafimaad lagu dhabiibaayo.

Wariyaha caawa la dhaawacay ayaa Shabelle u qaabilsanaa qeybta Website-ka idaacada oo uu warka ku qori jiray.

Bilahii ugu dambeyay Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa ah degmooyinka ugu badan ee lagu qaarijiyay Wariyeyaasha, iyadoo lagu dilay afar wariye, halka labo kalena lagu dhaawacay sanadkan
gudihiisa.

Muqdisho waxaa ay noqotay magaalooyinka ugu qatarsan caalamka ee lagu dilo Wariyeyaasha, waxaana sanadkan kaliya lagu dilay lix wariye, halka lagu dhaawacay toban kale oo wariyeyaal.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)