|
Ciidamada Dowladda oo howlgallo ku soo qabtay askari kufsaday gabar ka mid ah dadka degaanka Magaalada Marka
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ku soo qabtay askari kufsaday gabar ka mid ah dadka degaanka Magaalada Marka.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka fuliyeen magaalada Marka, kaddib markii mid ka mid ah ciidamada Dowladda uu kufsaday haweeney ku sugan magaalada.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay ilaa afar askari, kuwaasi oo maleegayay falal lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan magaalada, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ballaaran ka bilaabeen magaalada Marka iyo degaanada ku dhow dhow.
Howlgalada ayaa bilowday kaddib markii maalinimadii shalay gudaha magaalada ay ka dhaceen dibadbaxyo looga horjeedo ciidamada Dowladda oo qaarkood sameeyay falal ka baxsan bani'aadaminimada isla markaana kufsi kula dhaqaaqay gabar ka mid ah dadka degaanka.
"Badda hal mallaay ayaa uriya, haddii hal askari uu kufsaday gabar degan Marka, ciidamada oo dhanna sidaas ayay ku xumaanayaan, laakiin waan soo qabanay ninkii ka dambeeyay kufsiga gabadha" ayuu yiri C/qaadir Maxamed Siidi oo intaasi raaciyay in iminka la xaliyay shaqaaqadii ka dhalatay gabadhaasi.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay isla markaana magaalada caadi ku soo laabatay, iyadoo shalay gelinkii dambe magaalada Marka uu ku geeriyooday qof rayid ah oo uu dardaray gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|