|
Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab xamuul oo ay muddo heysteen
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab xamuul oo ay muddo heysteen
Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab nooca xamuulka qaada ah kadib marki ay ka qaateen lacago madax furasho ah.
Nin sheegtay inuu burcad badeeda madax u yahay oo magaciisa ku sheegay Xasan Cabdi ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in markabka oo lagu magacaabo Mv Orna ay ka qaateen lacag dhan 600,000 oo Dollar kadibna ay sii daayeen.
Markabkaan oo laga leeyahay dalka isku taga Imaaraatka Carabta ayaa ka dhaqaaqay biyaha Soomaaliya iyadoo ay saaran yihiin 6 ruux oo shaqaale ah.
War ay soo saartay shirkadda markabka iska leh ayay ku xaqiijisay in markabkaasi lasii daayay oo uu hadda ku wajahan yahay xeebaha magaalada Dubai.
Bishii August ee sanadkaan ayay kooxda heysatay markabkaan waxay toogasho ku dileen mid ka ah shaqaalaha markabkaan kadib markii dib looga dhigay lacagaha madax furashada ah ee ay dalbadeen.
Bishii December sanadkii 2010 ayay kooxaha burcad badeedu markabkaan ka qafaashaasheen meel qiyaastii 400 oo mile u jirta xeebaha Jaziiradda Seychelles.
Hay’adda bad mareenadda caalamka ayaa dhawaan wat ay soo saartay waxay ku sheegtay in hadda gacanta burcad badeeda ku jiraan illaa 6 markab iyo 170 shaqale ah oo ay ka doonayaan lacago madax furasho ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|