Somali News
    Hees  

Nabadoonada Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle oo isku diyaarinaya ka qeybgalka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nabadoonada Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle oo isku diyaarinaya ka qeybgalka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka .

Nabadoonada iyo salaadiinta Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Qabiilka Xawaadle , degtana gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya , ayaa waxa ay maanta isku raaceen inay wafdi u diraan Magaalada Kismaayo , si ay uga qeybgalaan kulanka looga hadlayo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.

Nabadoon Axmed Barre Nuur oo kulanka maanta ee Muqdisho ka dhacay ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Cabdi Yuusuf ay diyaar u tahay ka qeybgalkan kulankaasi , si ay uga qeyb noqoto maamulka loo sameyn doono deegaanadaasi , isagoo rajeeyay in maamul loo dhan yahay inuu ka soo bixi doono madasha lagu balansan yahay waa hadii ay goob-joog noqdaan , taladana ay wax ku yeeshaan dhammaan qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbada hoose , Jubbada dhexe iyo Gedo .

Nabadoon Xuseen Wardheere ayaa isna kulanka ka sheegay in kulanka Kismaayo ka furmi doono uu noqdo mid ay u madax banaan yihiin beelaha dega Jubbooyinka si ay aayahooda uga tashadaan , waxaase uu ka digay in awooda maamulka Siyaasada iyo midda ammaan ay isku koobto hal beel , taasoo uu xusay inay soo de-dejin doonto guul darro ku timaada shirka loo balansan yahay.

Beesha Cabdi Yuusuf ayaa waxa ay ka qeyb noqoneysaa beelaha Sheekhaal , Ogaadeen , Mariixaan , Gaaljecel , Cowrmale, Harti iyo kuwa kale oo isku diyaaranaya ka qeybgalka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka .

Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan qabiilka Xawaadle ayaa waxa ay degtaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo sida degmooyinka Jilib,Bu’aale, Saakow,Doolow iyo deegaanada Hoombooy, Buulo Xaaji,Aboorow,Habaaqa,Beer-xaano,ool-oole,Koorweyne,Canjeel ,Janaay Cabdalla,

Buulo -Xaawo ,Baardheere,Farjanaay.Busleey iyo Garas Shabo.

Maxamuud Waasuge
Wasuge114@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)