|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xalay Bandow ku soo rogay Magaalada Kismaayo.
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xalay Bandow ku soo rogay Magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in xalay bandow lagu soo rogay degmadaasi si amaanka loo xaqiijiyo, iyadoo Bandowgaasi ay soo rogeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
C/Naasir Seeraar Afhayeenka Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada ay leeyihiin bandowgaasi ay tahay xaqiijinta ammaanka si ay uga hortagaan dilalka ka dhaca Magaalada Kismayo.
Afhayeenka ayaa sheegay in bandowgaasi oo bilowday fiidnimadii xalay uu ku ekaa waaberigii saakay, islamarkaana uu socon doona ilaa ammaanka magaaladaasi uu ka soo raynaayo.
Waxa kale uu sheegay Afhayeenku in baaritaano maanta ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ay ku soo qabteen hub iyo dhalinyaro badan oo la xiriirinayo Al-Shabaab, iyadoo dhalinyarada la qabtay ay gaarayaan in ka badan 50-ruux.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|