Somali News
    Hees  

Xaaladda caafimaada ee Wariye Tuuryare oo ka soo raynaysa sidii hore

Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Xaaladda caafimaada ee Wariye Tuuryare oo ka soo raynaysa sidii hore.
 
Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala Idaacadda Shabelle ayaa xaaladiisa caafimaad soo hagaagaysa, kadib markii Wariyahaasi ay xalay Maqribkii ku dhaawaceen kooxo Hubaysan, xilli uu ku sii socday gurigiisa oo ku yaala Degmada Wadajir.

Maxamed Maxamuud Tuuryare ayey kooxo hubaysan waxay rasaasta uga dhufteen caloosha iyo feeraha xalay ayeyna ku guuleysteen saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka Madiina inay ka saaraan, Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ah howlwadeennada Radiyaha Shabeelle ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee wariye Tuuryare ay soo hagaageyso islamarkana qalliin lagu sameeyay lagu guuleystay.

Wariyahaan ayaa Radio Shabelle uga shaqeynaayay dhanka Websetka, waxaana la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, iyadoo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ uu falkaasi cambaareeyay, islamarkaana dowladda KMG ah ugu baaqay inay arinta dilka Wariyaasha wax ka qabato.

Dhanka kale weerarka ay ku soo qaadeen kooxaha hubaysan Wariye Tuuryare ayaa qeyb ka noqoneydsa tirada xadka ka sii baxeeysa ee wariyaasha sanadkan oo kaliya Dil iyo dhaawacba loogu geeystay Magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka, mana jirto ilaa iyo iminka wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Degmada Wadajir.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)