Somali News
    Hees  

Shabab oo Malayshiyaad loga dilay dagaal xalay Baydhabo ka dhacay

Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shabab oo Malayshiyaad loga dilay dagaal xalay Baydhabo ka dhacay

Tirada Malayshiyaad ah oo Shabaabka loga dilay dagaal xalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in saake lagu aasay degaanka lagu magacaabo Aw diinle ee duleedka Baydhaba.

Taliyaha Ciidamada booliska Baydhaba Korneel Mahad C/raxmaan oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay Shabaabka uga dileen ilaa saddex ka tirsan malayshiyaadkooda.

Taliyahu waxaa uu intaas ku daran in Shabaabku ay u suurta gashay in meydkooda ay magaalada ka qaataan balse ay ku fashilmeen damacoodi ahaa in ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka iyo madaxda dowlada ee Baydhabo ku sugan.

Laba ka tirsan Maydkii dagaalka loga dilay ayeey ku aaseen degaanka Aw diinle balse midka saddexaad oo sida aan warka ku helnay ahaa horjoogahooda lama oga halka ay geeyeen ayuu yiri taliye Mahad

Weerarkii Alshabaab ee xalay ay ku qaadeen Baydhaba ayaa bartimaamedkiisu ahaa guriga Gudoomiyaha Magaaladasi Xasan Maxamed Biikole

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)