|
Markab sida Ciidamo Somali-kenyan ah oo marsada Kismaayo ku xirtay
Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Markab sida Ciidamo Somali-kenyan ah oo marsada Kismaayo ku xirtay
Markab kuwa Ciidamada Kenya oo siday Ciidamo Soomali ah ayaa saacadahii ugu dambeyay ku xirtay Dekada Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobalka Jubbada Hoose,
Ciidamadan oo asal ahaan Soomaali ah ayaa xiligan waxaa ay haystaan dhalashada dalka Kenya iyagoona qeyb ka ah militariga wadankaas ee Kismaayo ka xureeyay Malashiyaadka Alqaacida Soomaliya ee Alshabaab,
Tirada Ciidamadan Soomali-kenyaanka ayaa Kismaayo gaaray ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 700 oo askari inkastoo militariga Kenya aanu wax war ah ka soo saarin arintaasi.
Saarkiisha Soomaalida ee Kismaayo ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha Shabaabka jooga Gobalada Jubboyinka lagu sii baacsan lahaa.
Wasiir ka tirsan Xukuumada waqtigeedu dhamaaday ayaa dhawaan sheegay in dowladaha Kenya iyo Somaliya ay ku heshiiyeen sidii Alshabaab loga saari lahaa degaanada kale oo ay kaga harsanyihiin Gobalada Jubboyinka.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|