|
Ardayda Jaamacada Hiiraan oo Daryeel Caafimaad lacag la'aan ah u sameeyay 1159 qof oo ku nool degaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne
Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ardayda Jaamacada Hiiraan oo Daryeel Caafimaad lacag la'aan ah u sameeyay 1159 qof oo ku nool degaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne
Ardayda Jaamacada Hiiraan Qeybteeda Caafimaadka ayaa mudo laba jeer bishan gudaheed waxaa ay daryeel caafimaad oo lacag la,aan ah u sameeyeen dadkii Baladweyne fatahaada uga barakacay ee xiligan ku dhibaateysan Degaanka Ceeljaale.
Qeybtii koowaad ee Gurmadka Arday ayaa waxaa ka faideystay dad bukaan ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 482 Bukaan ah kuwaa oo helay daweyn iyo baaritaano lacag la,aan ah.
Gudoomiyaha Ardayda Jaamacada Hiiraan Maxamed C/laahi Buraale “Raaxeeye” ayaa warbaahinta u sheegay in talaabdii koowaad ee gurmadkooda ay ku fuliyeen dhaqaalle ay iska uruuriyeen Ardayda si ay u caawiyaan walaalahooda ay musiibada ku dhacday
“dadkan aan u fidinay cawinaada dhinaca caafimaadka ayaa waxaan noo suurta galiyay Ardayda iyo Maamulka Jaamacada oo ka dib markii ay arkeen dhibaatada dhinaca caafimaadka ee ku heysata walaalahooda Soomaaliyeed duleedka Baladweyne iska uruuriyay dhaqaale marka dhinac laga fiiriyo aan wax badan aheen laakin marka lagu daro dadaalka iyo niyad samida Ardayda iyo Maamulka Jaamacada Hiiraan wax weyn oo muuqda u taray dadka dhibaateysan ayuu yiri Dr Raaxeeye
Labada gaari ee Jaamacada ay leedahay ayaa midna waxaan u isticmaalnay in daawada lagu qeybiyo halka midka kalana uu ahaan mid aan u isticmaalnay in dadka aadka u xanuunsan filibada lagula xiro intii caafiimaadkooda aan wax loaga qaban Karin waxaan u soo gudbinay Isbitaalka Baladweyne si halkaasi loogu daryeelo ayuu intaas raaciyay Dr Raaxeeye
Qeybta labaad ee Daryeelka Caafimaadka Ardayda Jaamacada Hiiran waxaa isna ka faa,ideystay bukaan ay tiradoodu gaareyso ilaa 677 bukan oo isugu jira haweyn caruur iyo dad waayeelo ah iyadoo markan ay dhinaca dhaqaalaha dawada lagu iibiyay ay Ardayda ku taageereen Gabdhaha Reer Hiiraan ee Jaaliyada Wadanka Canada
Majirin daryeel kan la mid ah oo wali ay heleen Dadkii baladweyne fatahaada uga cararay inkastoo aanu ku filneen kaalmadaasi yar ayaa hadana waxaa soo dhaweeyay maamulka Baladweyne
Duqa Magaalada Baladweyne Maxamed Xasan Nuuriye ayaa ku tilmaamay talaabada ay qaadeen Ardayda iyo Maamulka Jaamacada Hiiraan in uu yahay mid ku dayasho mudan waxaana uu codsday in taaladasi ay noqoto mid lagu daydo
Cabsida ugu weyn ee la qabo ayaa ah in cuduro ay ka dilaacaan degaanka Ceeljaale oo hada u muuqanaaya meel isku raran ah oo waliba aan laheen xitaa hal musqul oo ay dadka farahaa badan ay isticmaalaan.





Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|