|
Booliska oo baadi goobayo dhalinyaro Kenyan ah oo Shabab ka tirsan
Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Booliska oo baadi goobayo dhalinyaro Kenyan ah oo Shabab ka tirsan.
Booliska wadanka Kenya ayaa sheegay inay baadi goob ugu jiraan 4 ruux oo
Kenyan ah kana tirsan Xarakadda Al-Shabab kuwaasoo lagu eedeeyay inay
weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya.
Afarta ruux ee boolisku Kenya baadi goobka ugu jiraan oo ku dhuumalaysanaya
gudaha dalkaasi ayaa la sheegay inay tababaro ku qaateen gudaha Soomaaliya
xeryo Shababku ku leeyihiin gaar ahaan gobolada Jubbooyin sida laga soo
xigtay ciidamada booliska Kenya.
Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa magaalada Nairobi ka sheegay
in 4 ruux ay mas’uul ka ahayeen qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo
Mombasa sanadkaan gudihiisa isla markaana ay hadda kuwa kale maleegayaan.
Raggaan waxaa hogaamiye u ah nin lagu magacaabo Xassan Omondi sidoo kalena
adeegsada magacyo ay ka mid yihiin Owiti Aliyas Budalangi alias Budapest
alias Omosh.
Ninkaan waa sarkaalka ugu sareeya 4 nin ee Kenya u dhashay booliska
dalkaasina raadinayo kadib markii la helay xog ku saabsan inay Al-Shabab ka
tirsan yihiin waxana afhayeenka booliska Kenya sheegay inuu ku sugan
magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa midkood.
Sadexda nin ee kale waxaa la kala yiraahdaa Yassin Olunga alias Ndungu,
Shaban Namusenda Makotse iyo Cali Masadiq oo asagu ugu da’yar afartooda.
“Boolisku waxay farayaan dadka Kenya inay booliska gacan ku siiyaan
qabashada ragaan Shabab ka tirsan ee aan sawiradooda baahinay” ayuu yiri
afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe.
Dawlada Kenya ayaa horey u shaacisay inay jiraan dhalinyaro fara badan oo
Kenyan ah oo ku biiray dagaalyahanada Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|