Somali News
    Hees  

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay Madaafiic ku weeraray Saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Deegaanka Afmadow ee Gobolka J/Hoose

Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay Madaafiic ku weeraray Saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Deegaanka Afmadow ee Gobolka J/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xalay hubiyayaal iyo madaafiic kale lagu weeraray Saldhigyo ay ciidamda dowlada ku la haayeen deegaankaas, waxaana madaafiicdaasi laga maqlaayay deegaano dhowr ah oo Gobolkaasi ka tirsan.

Madaafiicda lagu weeraraayay fariisimada Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay khasaare ka soo gaareen dad shacab ah oo gaaraya 5 qof, kuwaas oo ah dadka ku dhaqan deeganka degmada Afmadow.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaano guri ka guri ka sameeyay isla xalay degmada Afmadowmana jirto cid askartu ay soo qabteen falkaasi ka dhacay Degmadaasi, sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa doraad bandow ku soo rogay Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale xiliyadaan danbe ayaa waxaa soo badanayay weerarada lala beegsanayo ciidamada dowlada iyo Kenya xili ay ciidamada dowlada soomaaliya oo kaashanaya miletariga Kenya ay alshabab ka saareen gobolo ay kamid yihiin Jubooyinka iyo Gedo

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)