Somali News
    Hees  

Nabad-sugidda dalka oo sheegtay in Ammaanka Muqdisho gacanta lagu hayo

Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nabad-sugidda dalka oo sheegtay in Ammaanka Muqdisho gacanta lagu hayo

Nabad-sugidda Dalka ayaa shaacisay in ammaanka magaalada Muqdisho la sugay intiisa badan xili mudo kabadan hal sano ka hor ay Shabaabku ka sii maqanyihiin ka dib dagaalo xoogan oo ay kala kulmeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Khaliif Axmed Ereg Taliyaha ciidamada nabadsugidda ee gobolka Banaadir,ayaa hoosta ka xariiiqay in ammaanka Muqdisho la xaqiijiyay kaddib markii ay wada-shaqeyn joogto ah dhexmartay hay'ada nabad-sugidda Qaranka iyo shacabka ku nool Muqdisho.

"Waxaa socda qorshayaal lagu tirakoobayo dadka ku nool caasimadda Muqdisho, taasoo qayb ka qaadanaysa sidii lagu sugi lahaa ammaanka caasimadda. Waxaa sidoo kale billowday in dadka guryaha ijaaranaya ay iska diiwaangeliyaan saldhigyada ku yaalla degmooyinkooda si loola socdo," ayuu yiri taliyaha hay'adda nabadsugidda ee gobolka Banaadir.

Taliye Ereg ayaa Hadalkiisa wuxuu imaanayaa iyadoo habeennadii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dilal ay xaafado ka tirsan caasimadda ka geysanayaan kooxo xiriir la leh Malayshaadka Al-shabaab.

General Ereg waxa uu sheegay in wadatashiyo ay la sameeyeen dhammaan dadka deggan degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama la soo gabagabeeyey tirakoobkii lagu sameenayay dadka caasimadda deggan, taasi oo fududeeyneysa sugidda ammaanka Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo isna maalin ka hor hadlayay xaaladda ammaanka Muqdisho ay sheegay inay wanaagsan tahay howgallada lagu sugayo ammaanka oo ay iska kaashanayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliyana ayna sii soconayaan ilaa uu ammaanku ka hagaagayo.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)