|
Hillary Cilinton : "Dowladda Maraykanka waxay Wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolarka Mareykanka.."
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hillary Cilinton : "Dowladda Maraykanka waxay Wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolarka Mareykanka.."
Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton oo
warsaxaafadeed ka soo saartay dalka mareykanka ayaa sheegtay in
dowladda mareykanka wadamo Somalia ay ka mid tahay ay ugu yaboohday
lacag dhan 58 million oo doolarka mareykanka ah si loo sii yareeyo
dhibaatada abaareed ee ka jira wadamada ku yaala bariga Africa.
Hillary Cilinton waxa ay sheegtay in lacagtan lagu iibin doono cunno
gar gaar ah islamarkaana la gaarsiinayo malaayiin ruux oo ku nool
qaaradda Africa siiba soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya iyo kuwa
kale eek u barakacsan gudaha dalka Somalia.
Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton waxa ay
sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ay ku sheegtay in lacagtan yabooha ah
ee gaareysa 58da million ee doolarka mareykanka ah ay qeyb ka tahay
1.3 billion oo dowladda mareykanka horay ay u bixisay kuwaas oo loogu
gar gaaray dad ku dhibaateysan wadamada Somalia Kenya, ethopia iyo
jubuuti.
Somalia ayay sheegtay in dadka ku nool qaarkood ay weli la daala
dhacayaan dhibaatadii ay ka dhaxleen abaartii sanadkii hore, waxana
ay sheegtay in mareykanku uu jecelyahay inuu arko hooyo iyo aabo iyo
cunugooda oo caafimaad qab ay ku noolaadaan taasina ay lama huraan ay
tahay in fursad ay u helaan.
Dowladda mareykanka ayaa ka mid aheyd dalalkii lacagaha badan ugu
yaboohay Somalia sanadkii hore oo gobollo dhaca koonfurta iyo
bartamaha Soomaaliya ay ka dhaceen abaro xoogan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|