|
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka oo soo saartay hantida ma guurtada ah ee ay ku leedahay Gobolka Banaadir
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka oo soo saartay hantida ma guurtada ah ee ay ku leedahay Gobolka Banaadir
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay qroaal ku saabsan hantida ma guurtada ah ee Wasaaradaas ku leedahay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir oo dhan iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah, Dowladduna ay ka baxday xilligii KMG ahaa una gudubtay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtayxarunta Wasaaradaas ee magaalada Muqdisho waxa uu saxaafadda u faahfaahiyay hantida ma guurtada ah ee Wasaaradiisu ku leedahay G/Banaadir wejiga koowaad (Phase One).
Wuxuu ku sheegay shirkiisa jaraa'id isagoo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay DH/MG/GGDM/01/1192/2012 kuna taariikheysan 02/10/2012 kana soo baxday xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir kuna saabsaneyd codsi soo gudbin tirakoobka dhulka, guryaha dhisan iyo xarumaha ay leeyihiin Wasaaradaha wixii ka horeeyay Janaayo 1991-kii.
"Si loo helo xog dhab ah oo ku saabsan hantida ma guurtada ah oo ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ku leedahay G/Banaadir, waxaan halkaan ku caddeyneynaa tirakoob ah oo ay Wasaaraddu ku qeexday" ayuu ku yiri shirkiisa jaraa'id.
Halkaan ka akhriso shaxda iyo qoraalka muujinaya goobaha ay ku yaalaan dhulka iyo guryaha dhisan ee Wasaaraddu ku leedahay G/Banaadir:-
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|