|
Al-shabaab oo hanjabaad barta Tuiweterka u marisay dawlada Biriten. "Al-Shabaab waxay weerari doontaa maraakibta kaga sugan dawlada Biriten badweynta India"
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-shabaab oo hanjabaad barta Tuiweterka u marisay dawlada Biriten. "Al-Shabaab waxay weerari doontaa maraakibta kaga sugan dawlada Biriten badweynta India"
Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay weerarkii ugu
xumaa ay ka geysan doonto wadankaasi Biriten, iyadoo arintasi ku
sababaysay wadad mintid ah oo kasoo jeda wadanka Masar oo gacanta loo
galiyay dawlada dalka Maraykanka.
War saxafadedka oo ka soo baxay xafiiska war faaafinta Al-Shabaab ayaa
la soo dhigay barta ay shababku ku leyihiin tuwiterka midkasi oo loogu
sheegay dawlada Biriten in ay la kulmi doonto cawaaqiib ku aadan
weeraro ka dhaca wadankasi.
Fariinta Al-Shabaab ayaa intaa lagu daray in maraakibta kaga sugan
dawlada biriten badweynta India ay yihiin kuwo u nugul weerarada
Al-Shabaab ay ku dhibaateyn karto muwaadininta wadankasi.
Abu Xamsa oo ah nin kasoo jeda wadanka masar ayaa ahaa qof si aad ah
uga agdhawaa hogaamiyihii hore ururka al-qeada osama bin
laadin,al-shabab ayaa horey u sheegatay in ay ku biirtay al-qaeda-da
calamka.
Warka kasoo yeeray al-shabab oo hanjaabad ah ayaa kusoo beegmaya waqti
ay dawladaasi ay ka walaacsan tahay muwadinin biriten ah oo ka bar bar
dagaalamaya xarakada Al-Shabaab ee Soomaalia.
7-bishi july sanadii 2005-ti wxa casimada dalka biriten ee london ka
dhacay weeraro is xig xiga o ismiidamin ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|