Somali News
    Hees  

Xaflad lagu soo dhaweynayey Ra'isal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Port Elizabeth ee Dalka South Africa

Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad lagu soo dhaweynayey Ra'isal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Port Elizabeth ee Dalka South Africa.

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey Ra'isal wasaaraha cusub ee Soomaalia iyo guud ahaad isbadalada ka dhacadaya dalka Soomaaliya ayaa waxa ay xalay ka dhacday degaanka ay Somalia u badan tahay ee Coston ee magaalada Port Elezaberth ee dalka Koonfur Africa.

Xafladani oo ahayd tii ugu horeysa ee lagu taagaarayo Ra'isal Wasaaraha Sooomaaliya ayaa waxaa soo camiray bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo si weyn u buux dhaafiyey howlkii isla markaana muujiiyey sida ay ugu faraxsan yihiin isbadalada xagga Alle ka socda ee ka dhacaya dalkeena Soomaaliya.

Xafladani ayaa lagu soo bandhigay Ruwaayado ka turjumaya tacadiyada loo geysto Qaxootiga Soomalida South Africa iyo isbadalada rasmiga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. iyadoo dadkii xaflada kasoo qeyb galay ay qosol jaanta iyo ciribta hal mar isla rogeen ka dib markii ay madasha xaflada isa soo taagtay gabar oranaysa ninkeeda in uu dhaqsi ku imaado ama ay ilinka hore ee guriga ay ka xeranayso kolkaasi ayuu ugu jawaabayaa aniga waxa joogaa garoonka waxana u socdaa dalkeena hooyo waayo nabad iyo barwaaqo ayaa ka dhalatay kolkasi ayaa inta ay xaalada dajiso ayay ku oranaysaa huuno waa kugu ciyaarayee Soo laabo waa is wada raacaynaa, halkaasi waxaa ka garan kartaa baahida loo qabo nabad ka dhalatay dalkeena hooyo.

Si kastaba ha ahaatee xafladani oo lagu taageerayo Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee lagu dhigo guud ahaan dalka Koonfur Africa iyadoo xafladani ay ka dhacday Magaalada Port Elezaberth ee gobolka Estren Cape ee Dalka Konfur Africa.










Maxamed Muse Nuur (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Port Elizabeth, South Africa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)