Somali News
    Hees  

Cayaar Saaxibtinimo dhex Martay Labo Kooxodo dhalinyarada Cuslaatay oo lagu qabtay Magaaladan Orebro

Örebro Talaado 23 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waxaa maalinti axada ah 21.10.2012 cayaar saaxibtinimo kubadda cagta ah isaga hor yimid laba kooxodo ka kala tirsan dhalinyarada cuslaatay kana kala yimid Magalooyinka Stochkolm iyo Orebro.

Cayaartaso xiiso badneyd waxa lagu qabtay garoonka cayaaraha Tullans skollan ee Orebro,waxana dhax dhaxaadinayay Cabdi Cadde.

Dhalinyaradi cuslaatay waxa ka mid ahaa cayaartoy beri samaadki u soo kala saftay kooxihi Dalka ka jiray sida Orso Kadinle iyo Mahdi Juuni oo Horseed ahaa, Maxamad Cabdullahi Madbacadda, Cawad Badda iyo qaar kaloo sida Cali Cadde.Abollo,Saciid Yare, Ibrahim Galbetti, Yuusuf Cabdow, Mustafa, Cumar Dheere, Amiin, Waaberi iyo Qaabil.

Gaba gabadi waxey guusha 2-0 ku raacday kooxdi Orebro, waxana loo ballansan yahay kulumo kale iney isaga hor yimaadan muddo aan sii fogeyn.











Hassan Osman
Orebro

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)